Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku fulisay Dhagar Qabe ka tirsan Al-Shabaab

Maxakamadda Darajada Kowaaad ee ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay dhagar qabe ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab,kaasi oo qeyb ka ahaa qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo loo geystay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dhaga rqabahani oo lagu magacaabo C/qaadir Abuukar Shaacir Maxamed oo 41 jir ahaa kuna dhashey magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku lug lahaa sahminta iyo diyaarinta qaraxyada,waxaana kamid ah qaraxyadii ka dhacay hotel Wehliye, 13 bishii March 2017 ayna ku dhinteen 10 ruux 17 kalena ay ku dhawacmeen.
Sidoo kale qarixii ka dhacay maqaayada ku taala agagaarka wasaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha 5-April,2017 oo uu geeyey gaari saaruf ahaa oo qaraxa laga soo buuxiyay,kaasi oo sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca 10 kale.
Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa sidoo kale ku eedeysay in uu soo sahmiyay qarixii ka dhacay Baar Itaaliaya 8-June 2017 halkaais oo ay ku geeriyoodeen 7 qof ayna ku dhaawacmeen 11 kale.
Gaashanle Sare C/llaahi Buule xeer ilaaliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ayaa faah faahiyay xukunka lagu fuliyay dhagar qabahaasi iyo dhibaatooyinkii uu u geystay bulshada Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.