Daawo:Qoys gurigooda 20 sano kabadan lahaystay ayaa Maamulka degmada Boondheere dib ugu celiyey

Maamulka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa gurigooda dib ugu celiyey Qoys Soomaaliyeed, ka dib sannado badan oo sifo aan sharci ahayn looga haystay, Gurigaan oo ku yaala Xaafada Yuusuf Alkawniin ayaa waxaa si sharci daro ah ku jira askari kamida Ciidamada Xooga dalka Soomaliyeed kaas oo Maxkamada Ciidamada ku amaratay inuu wareejiyo ku gurigaan.

Qoyska gurigaan lahaa ayaa waxay kasoo noqdeen Xeryaha Qaxootiga Kaakuma markay soo noqdeen ayaa waxay arkeen Gurigoodii oo dad haystaan waxayna u dacwoodeen maxkamada Ciidamada wax lacagana kumabixin dacwada Gurigooda waxayna uga mahadceliyeen madaxda Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Gudoomiyaha Degmada Boondheere.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.