Jaamacadda Carabta oo cambaarayay Qaraxyadii Argagixiso ee ka dhacayMuqdisho.

qarax

Danjire Xamuuda bin Samraan Al-xuweydhi oo ah wakiilka Jaamacadda caraabta u fadhiya Soomaaliya ayaa si kulul u canbaarayay qaraxyadii falalka argagixisada ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdihso oo ay ku nafwaayeen dad aan waxba galabsanin.
Bayaan uu wakiilka soo saaray ayuu uga tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku naaf waayay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaasi intaba, wuxuuna allah ugu baryay inuu uga bishaareeyo kuwii ku shahiiday dhacdadaasi Janadiisa firdowsa, ehaladii ay ka tageena samir iyo iimaan ka siyo, isla markaana kuwii ku dhaawacmayna uu alle caaifimaad deg deg ah siiyo.
Danjire Xamuuda wuxuu sheegay in falalkan noocan ah ee weerarrada argagixisada ee lagu qaado goobaha dadka rayidka ah ku ssugan yihiin ay yihiin kuwa diinta islaamka ka soo ka soo horjeeda,wuxuuna ku booriyay Xukuumadda Soomaaliya inaysan ka niyad jabin weerarada noocan ah oo ay sii waddo hawlgalada ka dhanka ah argagixisada ayna horumariso dhismaha Dowladnimo.
Wuxuu ugu dambeytii daboolka ka qaaday wakiilka Ergada Jaamacadda Caraabta u fadhiya Muqdisho inay jaamacadda Caraabta ay barbar taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliya sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinka dalka ka jira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.