Daawo:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Dhaawacyada Qaraxyadii Muqdisho

khaye

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay Isbitaaladda Muqdisho ku Booqday dadkii ku dhawacmay qaraxyadii argagaxiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo bukaannada ku booqday Isbitaallada Digfeer iyo Madiina ayaa maamulka Cusbitaallada ka waraystay xogta dhaawacyada, sidoo kalana mid mid u dul tegay dhaawacyada, waxa uuna u rajeeyay in dhaqsa boqsoodaan.

Wasiirka ku-xigeenka gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka, xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xassan, oo ra’iisul wasaaraha ku wehliyay booqasahda bukaannada ayaa sheegay in dawladdu ka guulaysanayso kooxaha argagaxisada ah, habeen iyo maalinna xukuumaddu u taagantahay soo afjaridooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.