Akhriso:Waxqabadka100 Maalmood ee Wasiirka Waxabrashada Soomaaliya

goiodax

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudadii boqolka maalmood ee uu joogay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ku guuleystay wax ka qabashada arrrimo badan oo la xiriira waxbarashada dalka.
Hadaba waxyabaha wasaaradda ku guuleystay waxaa ka mid ah
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa 27-kii bishii September ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed, wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxman Maxamuud Cabdulle, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali, xubno ka socda bahda waxbarashada, iyo marti sharaf kale.
Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in maanta wasaaradda ay ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, islamarkana maanta wixii ka dambeeya wasaaradda ay qaadeyso mas’uuliyadooda.
“Maanta waxaan ku guuleysanay inaan la soo wareegno 24 iskuul oo ku yalla gobolka Banaadir, maanta wixi ka dambeeya, waxaa masuuliyadooda qaadeysa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in marna aan la iloobi doonin doorkii dalladaha waxbarashada ay ka soo qaateen intii lagu guda jiray bur burka horumarinta waxbarashada.
Iskuullada maanta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegay ayaa kala ah Kaaraan, Godey, Cabdi casiis, Gaashaanle, 11 janaayo, Bartamaha, Wiil waal, Bartanaha, Yaasiin cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud mire, Hanti wadaag, Howlawadaag, Xasan khaliidi, Cali xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed waayeel, Ex-aqoon darsed, 21 November, 20 December, Agoonta wiilasha kaaran, Macalin jaamac.
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay ahmiyada koowaad siineyso horumarinta waxbarashada.
“Ahmiyadda koowaad waxaa noo ah horumarinta waxbarashada, manhajka waxbarashada waa in lagu soo dara wadaniyadda, iyo muhiimada uu lee yahay qofka “ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ardeyda ku sugneyd munaasabada guddoonsiyay Bugaag ay ku qoran yihiin manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay.
Sidoo kale wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa 5-tii bisha September ku guuleystay inay deeq waxbarasho u dirto 41 ardey oo Soomaaliyeed kuwaasoo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ( Jaabur), xubno ka socday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Qunsulka safaaradda shiinaha ee Soomaaliya, Wang Peng, waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in xukuumadda u hogaamiyo ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre ay dadaal ku bixisay helida deeqdan waxbarasho islamarkana tusaalo u tahay in dowladda ay ahmiyada koowaad siineyso horumarinta waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed.
“Halkan waxaa maanta munaasabad sagootin ah ugu sameyneynaa 41 ardey oo ka mid ah kuwii ugu darajooyinka sareeyay imtixaankii la qaaday waxay kala yimadeen gobollada dalka iyo kuwa gobolka Banaadir, waxay tusaale u tahay ahmiyada dowladda ay siineyso horumarinta waxbarashada dhalinyaradda Soomaaliyeed, dowladda juhdi badan ayay ku bixisay helida deeqdan waxbarasho, si cadaalad ah ayaana lagu soo xulay” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxabrashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa kula dardaarmay ardeydan, inay ka faa’ideystan fursadda ay heleen.
Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa tilmaamay in dhawaan sidan oo kale waxbarasho dibadd ah loo diri doono ardey Soomaaliyeed.
Qunsulka safaaradda shiinaha ee Soomaaliya Wang Peng ayaa tilmaamay in tan ay tusaale u tahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha islamarkana horey dowlada Shiinaha ay deeq waxbarasho u siisay ardey Soomaaliyeed kuwaasoo hadda wax ka barta Shiinaha, waxana sidoo kale u sheegay in safaaradda shiinaha ay dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeyso arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadanimada.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli lahayeen deeq waxbarasho oo dibadda ah,iyadoo hadda dalka dibadiisa ay wax ka bartaan ardey Soomaaliyeed kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay dalalka saaxiibka lah Soomaaliya.
6-dii bisha November, Wasaaradda waxbarshadda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho munasaabad sagootin ah ugu sameysay 223 arday oo deeq waxbarsho ka helay dowlada itoobiya.
Ardaydan ayaa 46 kamid ah waxay diyaarin doonaan Darajada labaad eeMasterka , halka 177- Arday ay diyaarinayaan heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, iyagoo baran doona kuliyadaha kala ahc Caafimaadka, beeraha , IT, Enjineerin, iyo kuwa kale.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir , Safiirka Dowlada Ethiopia u jooga Soomaaliya iyo Agaasimayaal ka socday wasaaradda waxbarshada XFS ayaa ka qeyb galay munaasabadda.
Safiirka Dowlada Ethiopia u fadiya Soomaaliya jamaaludiin Mustafa ayaa sheegay in markasta ardayda Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin deeqaha waxbarasho,
“Markasta waxaan jecelnahay in ay Soomaaliya horumar gaarto waxaan jecelnahay in ardayda soomaaliyeed ee wax ku soo barta dalka Ethiopia ay sameyaan dadal dheeri ah jaamacaddaha dalka Ethiopia waa jaamacaddo qofka lagu barayo maadooyin adag sidaa darteen waan hubaa in ardayda soomaaliyeed ee wax ka baranaya dalka Ethiopia ay sameyn doonaan dadal dheeri ah”ayuu yiri danjiraha itoobiya ee Soomaaliya.
Wasiiro Dowlaha Wasaaradda waxbarshada XFS, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle jaabir ayaa ardeyda kula dardaarmay inay ka faa’ideystan deeqada waxbarasho ee la siiyay.
“Waa maalin farxadeed waxaan rabnaa in aan soo celino rajada dhalinyarada Soomaaliyeed,waxaad ku hesheen waxbarashada magaca jamhuuriyada federalka Soomaaliya waxaadna harsaneysaan oo aad ku tageysaan calanka baluuga ah,waxaa lagu keenay deeqdaan waxbarsho hishiis saaxiibtinmo oo ay wada galeen labada dowladood Ethiopia iyo Soomaaliya,waxana ugu horeya waxbarashada caafimaadka amniga iyo habsami u socodka labada doowladood” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada .
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa horey sidan oo kale deeq waxbarasho ugu dirtay ardey Soomaaliyeed dalalka Suudaan iyo shiinaha.
Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa 14-kii bisha November magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha.
Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxana heshiiska goob joog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.
Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shanta milyan loogu talo galay in lagu horumariyo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.
“Waa guul weyn waxaan kala saxiixnay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, shantan milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID, maanta waxaa halkan joogay wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib”ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Xukuumadda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka.
Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’addo caalami ah si loo horumariyo waxbarashada.
3-dii bishii November, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho tababar u qabatay in ka badan 58 kormeer oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada..
Arrimaha kale ee lagu baranayay tababarka ayaa waxaa ka mid ah hubinta xogta macalimiinta, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Xassan Maxamed Cali oo daah furay tababarkan ayaa kula dardaarmay xubnaha ka qeyb galaya inay ka faa’ideystan.
“Dhamaantii waxaa la idinka rabaa inaad si dhab ah uga soo baxdan howsha la idin xil saaray, islamarkana aad la socotan buugaagta manhajka cusub iyo sida loo qaadanayo, iyo hubinta macalimiinta”ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Mudane,Xassan Maxamed Cali.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, iyadoo si lacag la’aan ah ay wax uga bartan caruurta Soomaaliyeed.
2018:- Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka Cabdulahi Goodax Barre ayaa 29-kii bisha October magaalada Muqdisho ka daah furay mashruuca waxbarashada dalka kaasoo ay ku bixi doono lacag dhan 33. 1 Milyan.
Wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali, xoghayaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Xassan , xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashada, iyo madax ka socota USAID, UNICEF iyo Midowga Yurub ayaa ka qeyb galay kulanka.
Mashruucan ayaa socon doono muddo saddex sano ah oo ka bilaabaneysa sannadkan 2018-ka ilaa 2020-ka, waxaana maal gelinaya mashruuca Global Partnership for Education oo loo soo gaabsho (GPE) waxaana xiriirin doono midowga yurub.
Mashruucan oo ay ku baxeyso lacag dhan 33.1 milyan ayaa loogu talo galay in wax looga qabto waxbarashada caruurta Soomaaliyeed sadexda sano ee soo socota. $5.6 milyan ka mid ah lacagta waxaa la siiyey Puntland, $9.6 milyan Soomaaliland halka $17.9 milyan kalana la siiyey Soomaaliya inteeda kale si wax looga qabto baahiyaha waxbarasho ee ka jira.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada ayaa fulin doonta barnaamijkan.
Barnaamijkan ayaa xooga saari doonaa kor uqaadida tirada iyo tayada ka qaybgalka waxbarahada caruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macalinka, tayaynta dugsiyada dawlada/bulshada, xoojinta kormeerka, manhajka qaranka iyo xoojinta awooda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dawlada gaar ahaan dawlad goboleedyada.
Wasiirka Qorsheynta iyo Dhiiri gelinta Maalgashiga Mudane Jamaal Xasan ayaa sheegay in dawlada ahmiyada labaad ay siisay waxbarashada marka laga reebo amniga maadaama waxbarashadu door muhiim ah ku leedahay ladagaalanka jahliga iyo amni xumada.
Rina Dhala oo ka socotay hey’ada USAID ayaa tilmaamtay in waxbarashada ay lagama maarmaan utahay yaraynta saboolnimada, dhisida bulsho nabadeed iyo kor u qaadista isku duubnida bulshada sidaa darteed ay mudan tahay in la taageero waxbarasada caruurta Soomaaliyeed.
Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan doono abuurida jawi lagu gaarsiiyo waxbarasho tayo leh caruurta Soomaaliyeed.
Ogosoto, 25, 2018:- xarunta jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho ayaa tababar loogu soo gaba gabeeyay ilaa 100 macalin oo wax ka dhigi doona dugsiyo ku yaala gobolka Banaadir.
Tababarkan loo qabtay 100-kan macalin ayaa socday muddo 12 maalmood ah, waxana mushaarka macalimiintan bixinaya dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoona tababarkan ay soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda lagu soo gaba gabeynayay tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hidaha,iyo tacliin sare Soomaaliya Xassan Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan dowladda federaalka.
Macalimiinta tababarkan ka qeyb galay ayaa ballan qaaday inay si hufan ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed islamarkana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.
Madaxa tababarka macalimiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Cismaan oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmay macalimiinta inay ka soo dhalaalaan howsha loo xil saaray.
Agaasimaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa sheegay in wasaaradda ay ku kalsoontahay macalimiintan islamarkana looga fadhiyo inay ka soo baxaan howsha hortaala.
“Sidaad la socotan dhaqatar waxaa soo saara macalin, injineer waxaa soo saara macalin, siyaasi waxaa soo saara macalin, marka hadii tayada macalinka la hagaajin, intaas oo dhan ma soo baxayaan, hadda waxaa idin soo gaba gaboobay tababarkii 12-ka malmood idin socday, waxaa la idin tababaray manhajka cusub, manhajka annaga ayaa qornay faa’ido badan ayuuna u lee yahay bulshada Soomaaliyeed, wasaaradda rajo badan ayay idinka leedahay, taasoo micnaheedu yahay inaad ka dhabeyn doontaan howsha la idin igmaday” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Xassan Maxamed Cali.
Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka islamarkana loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.
Ugu dambeyntii wasaaradda waxbarashada ayaa 25-kii bisha November deeq waxbarasho u dirtay 124 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare XFS, Axmed Yuusuf Xasan , lataliyaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Cismaaciil Yuusuf Cismaan ,xildhibaano iyo marti sharaf kale.
La taliyaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Suudan kula dardaarmay inay ka faa’ideystan fursada ay heleen.
Xildhibaan Yuusuf Xeeyle oo ka mid ah xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa.
Xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada XFS,Axmed Yuusuf Xasan ayaa sheegay inay ka go’antahay wasaaradda waxbarashada kor uqaadista tacliinta ardayda Soomaaliyeed, isagoo ardeyda kula dardaarmay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u gaari lahaayeen hamigooda waxbarasho ee ku aadan kamira dhalinta deeqaha waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddo bil gudaheed deeqo waxbarasho ugu dirtay dalalka Itoobiya iyo Suudaan ardey Soomaaliyeed.
Xigasho warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.