Top News: Safiirk Tarsan oo Xanibaad kusoo rogay Axmed Madoobe

tarsan

Safiirka Somalia ee Dalka kenya Ambassador Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxuu Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ku soo rogay Xanibaad xaga socdaalka ah isagoo dacwo ka dhan ah Axmed Madoobe u gudbiyey Dowlada Kenya.

Safiirka Somalia ee Dalka kenya Ambassador Tarsan ayaa waxuu Dowlada Kenya u qoray qoraal uu ku waydiinayo sodaalka Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe ku joogo Gobolada Kenya oo aysan Safarada Soomaliya ee dalka Kenya waxba kala socon safarkiisa Magaalada Gaariso.

Dowlada Kenya oo ka jawaabaysa qoraalka safiirka soomaliya u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa marka hore Raali galin ka bixisay Safarka Axmed Madoobe ee aysan Safarada soomaliya ee dalka Kenya waxba ka ogayn socdaalkiisa waxayna dowlada Kenya ku amartay Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe inuusan Socdaal ku dhex mari Karin Dalka Kenya gudahiisa aysan Safaarada Soomaliya iyo Dowlada Kenya waxba ka Ogayn.

Tan iyo intii Safiirka Tarsan loo magacaabay Safaarada somaliya ee Dalka Kenya ayaa waxaa soo noqonaya Hanankii Dwolanimo ee Safarada Somaliya magaalda Nairobi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.