Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo tababar u soo xiray dhalinyaro loo qaatay caafimaadka Ciidanka xoogga dalka.

indho

ku dhawaad 81 Howlwadeenno Caafimaad ah ayaa ka mid noqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya kuwaasi oo si Mutadacnimo ah ugu mid noqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dhallinyaradaani ayaa isugu jira Kalkaaliyaal, Sheebaaristayaal iyo Dhaqaatiir kuwaasi oo si mutadawacnimo ah ugu biiray ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Saciid oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe iyo Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb galay Munaasabad tababar loogu soo xerayay dhalinyaradaani.

Madaxa Hogaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle dhaxe Mahad Cabdullahi Shiine iyo Jeneraal Xasan Mahdi Madaxa Hogaanka Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dhalinyaradaani maanta tababar uu u dhamaaday ay ka mid yihiin dhalinyaro baratay Culuumta Caafimaadka isla Markaana ka mid noqday Ciidanka Xoogga Dalka.
Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Dhaqaatiirta Maanta uu u dhamaaday tababarka ciidan ay ka howlgali doonaan dhamaan gobolada dal halkaasi oo ay ka socdaan howlgalada dalka looga xureynayo nabadiidka Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe waxa uu sheegay in Ardayda Aqoon yahanada ah in ay u Abuuri doonaan Fursado Shaqo ah
Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka Xukumada Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullahi ayaa tilmaamay wasaarada Caafimaadka ay ka howlgali doonto Goobaha Cadowga Al-shabaab laga xureeyo
Munaasabada ayaa shahadooyin waxaa lagu gudoonsiiyay Ardeydii kaalimaha ugu horeeyay ka galay mudadii tababarka uu u socday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.