Dhageyso:Wasiir ku eedaysan lunsasho iyo Xatooyo xoola daweyne ayaa Beeniyey eedaha loo Jeediyey

manddeq

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) ayaa waxaa Saxaafada qaarkood qortay in uu ku kacay Xatooyo Xoolo Dadwayne iyo Lunsasho lacagta Cansharuuraha ee soo gala Wasiirada Gadiidka iyo Duulista Hawada.

Waxaa kaloo Baraha Internnetka lagu daabacay in Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Xafiiskiisa lagala soo baxay isla markaana Xabsi Loo Dhaadhiciyey.

Wasiir Oomar oo Saxaafada kula Hadlay Magaalada muqdisho ayaa waxuu Beeniyey eedeymaha loo soo Jeediyey asagoo sheegay inuusan qaadan kuna takrifalin Canshuurta qaranka Soomaliyeed sidaas darteedna wararkaas Been abuur yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.