Maqal iyo Muuqal:Khayre oo Sheegay Qudbada Shiiqa iyo siyaasada Dowlada Waa iswaafaqsan Yihiin

khayre

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo maanta hadal kooban ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka, ayaa faahfaahin ka bixiyay Tubaha Dowladda Soomaaliya u jeexday horumarinta dalka iyo ujeeddooyinka laga leeyahay hirgelinta tubahaasi.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo Salaadda Jimcaha kaddib ka hadlay Masjidka ayaa sheegay in khudbadda Sheekha ay la xiriirtay afar qodob oo ay dowladda ku shaqeyso, isagoo xusay in qodobada ay ka mid ahayd in la helo siyaasad degan.
“Dowladeenu waxay leedahay tub la yiraahdo tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ka shaqeyso sidee dadka la isugu keenaa, sidee dastuurka loo dhameystiraa, sidee axsaab siyaasadeed loo aadaa, sidee awood qeybsiga looga shaqeeyaa, sidee dadka Soomaaliyeed mustaqbal boqolka sanno soo socota u yeeshaan ay ku dareemaan dowlad iyagu ay wada leeyihiin”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu hoosta ka xariiqay in khudbadda Sheekha ay ku jirtay in la helo amni dhaqaale, isla markaana ay dowladdu leedahay tubta dhaqaalaha, taas oo ka shaqaysa kobcinta Dakhliga, la dagaallanka musuq-maasuqa, isku soo dhoweynta Ganacsatada iyo Dowladda, la fal galka hay’adaha dhaqaalaha Dunida, uruurinta canshuurta, si loo gaaro isku filnaasho loogana baxo Gacan hoorsiga iyo sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha oo ka jawaabayay su’aal ka timid Khaddiibka Masjidka oo ahayd sida loo ilaalin karo fekerka xag-jirka ah ayaa sheegay in Dowlad waliba Dadkeeda ay ku kasbato bixinta adeegga arrimaha Bulshada ee asaasiga ah, sida Caafimaadka, wax-barashada iyo Jidadka, taas oo Qofka dareensiin karta waxa ay u qabatay Dowladdiisa.

https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2018/12/Kheyre-khudbad.mp3?_=1

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.