Dhagesyo:Kooxaha Argagixisada ah ee kusugan Somaliya oo Dagaal ka dhex bilowday

shabab

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku baaqday dagaal ka dhan ah kooxda kale ee jihaadiga ahi ee daacish ee ka hawlgasha qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, Afhayeenka argagixisada Al-Shabaab Sheekh Cali dheere ayaa kooxda daacish ku tilmaantay “cudur halis ah iyo kaansar.

Bayaankani ka soo baxay hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa looga hadlay waxa shaababku ay ku tilmaameen dhibaatooyinka iyo gabood fallada kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Bayaankan oo uu akhriyey afhayeenka Al-Shabaab, Sheykh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) isla markaana lagu baahiyay shabakadaha u janjeera dhanka Shabaabku ayaa lagu sheegay “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.