Dowlada Soomaaliya ayaa Shaacisay inay aqbashay doorashada Koonfur Galbeed

wasiir

Wasiirka Wasaaardda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo ka hadlayay doorashada Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay dhacday doorasho xaq ah oo daah furan, isla markaana ay dowladda Soomaaliya ay taageereyso doorashada ka dhacday Koonfur Galbeed.

Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta isaga iyo wafdi uu hogaaminayay joogay madasha ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada ay ku dhacday si waafaqsan sharuucda dalka u yaala, ayna aqbashay Wasaaradda Arrimaha gudaha.
“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo sida aad arkeyseen si cadaalad iyo daah furnaan lagu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha cusub oo la doortay, iyo dhaman inta hoolka ku jirta, waxaan rabaa in aniga oo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka, ka wakiil ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, anoo gudanaaya waajibaadka aan u leenahay, Wasaarad ahaan ama aan u leeyahay kan Wasiir ahaan, waxan rabaa inaan halkan ka cadeeyo inay dhacday doorasho xaq ah oo daah furan, oo round-kii koowaad uu ku guuleystay, sidaan wada arkeynay, Mudane Madaxweynaha cusub ee la doortay, Cabdicasiis Xasan Maxamed, waxaan rabaa inaan idin sheego in Wasaaraddu ay ansixisay, aqbashay, magaca dowladda Federaalka doorashadaas iyo natiijadeeda”. ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.