Khudbadaha Musharaxiinta konfur Galbeed ayaa kasocota Baydhabo

koonfurgalbeed

Musharaxiinta Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaliueed ee Koonfur Galbeed ayaa maalintii labaad  lagu waddaa inay Khudbado u jeediyaan xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas oo maanta kulan ku yeelanaya magaalada Baydhabo.

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku adkeysanaya in jadwalkii doorashada aysan waxba iska bedelin, islamarkaana 19 bishan la qaban doono doorashada maamulkaasi.

Murashaxiinta khudbadaha ku qoran maanta ayaa kala ah: Cabdicasiis laftagareen  iyo Sayid Maxamed Ibraahim Daahir.

Shalay ayaa waxaa khudbadahooda jeediyay musharixixiinta kala ah:-  Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow iyo kuwo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.