Eretria oo bogaadisay dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga Soomaaliya

farmajo

Madaxweynaha Dowadda Eretria  Isaias Afwerki ayaa  bogaadinayay, soona dhaweynayay dadaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga ee  Soomaaliya, kuwaas oo uu xusay inay  awood u lehiyiin in ay dammaanad qaadaan Nabadda iyo Amniga guud ahaan Soomaaliya.

 

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Qaranka Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed  ayaa warbaahinta u faah faahiyay nuxurka warmurtiyeedka ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Eretria ayaa yiri “Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan”.

Agaasimaah ayaa intaa ku daray “Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.