Dhagayso:27 oo ku dhintay dagaal ka socda Mooyaale

dagaal

Shanti maalmood ee la soo dhaafay waxey dagaallo ka socdeen degmada Mooyaale ee dalka Ethiopia, Dagaaladan ayaa dhex marayay Soomaalida iyo Oromada oo ku dagaalamaya, lahaanshiyaha magaalada.
Dagaalka ayaa weli ka socda magaalada oo la isku adeegsanayo rasaas culus.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay dagaaladii dhacay waxaa dhinaca Soomaalidu ay sheegeen inay uga dhinteen 27 qof, 80 dad ku dhowna way ku dhaawacmeen.
Laanta afka Oromada ee VOA-da ayaa iyana dhinaca Oromada ka soo warisay in 13 qof ay uga dhinteen dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka maanta magaalada ka socda ayaa Nuur Xassan Nuur uu ka wareystay Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan.
igasho VOA.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.