Aqalka Sare oo Guddi u saaray xalinta qilaafka Gudoomiyaha Barlamaanka soomaliya

aqalka sare

Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay Guddi xalaya kala fikir duwanaanshaha ka dhextaagan Hey’adaha Fullinta iyo Golaha Shacabka.
Xogayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cali Maxamed Jaamac ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay Guddigaas lamagacaabay iyo Shaqooyinka uu qabanayo.
“Guddoomiyaha Aqalka Sare Waxaan xubnaha Guddigan kula dardaarmayaa isku duubni, dhexdhexaadnimo wax ku ool ah iyo inay u howl galaan si’aan dhinac raac laheyn caadalna ku shaqeeyaan” sidaas waxaa sheegay Xogayaha Aqalka Sare isaga oo aqrinayey Warka Qoraalka ah oo kasoo baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi
Xubnaha Guddigan uu ka kooban ayaa kala ah Sanater Cabdirisaaq Cismaan Xasan Guurinle Gudoomiye, Sanater Cabdikaafi Macalin Xasan xubin, Sanater Cabdi Axmed Dhuxulow xubin, Sanater Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex xubin, Sanater Cabdullaahi Cabdi Garoon xubin, Sanater Yuusuf Geelle Ugaas xubin iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali xubin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.