Daawo:Talyaaniga oo Soomaaliya ka saacidaysa horumarinta adeegyada caafimaadka,

Waxaa heshiis ku wada saxiixday magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Siciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hey’adda Horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hey’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot , heshiiskaan ayaa khuseeya horumarinta Beeraha iyo Waraabka dalka.

Heshiiska waxaa qayb ka ah dib-u dayactirka Xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho, hirgalinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka (Meodern Irrigation Technology) iyo Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.