Uganda oo Ciidamo dheeraad ah usoo diraysa Soomaliya

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Ciidamo dheeraad ah ay u soo direyso Soomaaliya si ay qeyb ugu noqdaan howlgalka AMISOM ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Uganda David Muhoozi, oo ciidamadan la dardaarmayay ayaa sheegay in Al-shabaab lala dagaallami karo lagana adkaan karo, haddii Ciidamada ay u dhaqmaan sida loo tababaray.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Uganda ee ku biiraya Howlgalka AMISOM ay qaateen tababar lix bilood ah oo ah sida loo dagaallamo, la isu difaaco, loona fuliyo howlgallada.

Ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ayaa ka tirsan qeybta 26aad ee Ciidanka Difaaca Uganda kuwaas oo xaruntoodu tahay degmada Nakaseke ee Dalka Uganda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.