Gudoomiye Mursal oo la kulmay Safiirka Ingiriisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarka Dowladnimo ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Madaxtinimo ee dhawaan ka qabsoomi doona Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha golaha shacabka uga mahadceliyay wada shaqeynta dhow ee ay leeyihiin iyo sida ay uga go’antahay horumarka Soomaaliya, sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.