Guddoomiyaha Mursal oo Maalin ku gudaheed lakulmay Labo Safiir

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay Safiirka dowladda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed A Khayaat.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Shacab iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha Horumarinta, Guddoomiye Mursal ayaa Safiirka kaga mahad celiyay booqashada uu ugu yimid iyo warbixinta uu ka siiyay howlaha horumarinta ee dowladda Sacuudiga ay ka wado Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa horay maanta ula kulmay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.