Daawo:Dekadda Muqdisho oo qalab casri ah oo lagu horumarinayo lagu soo kordhiyay

markab

Shirkada Albeyrak ee Gacanta ku heysa Maamulka dekadda Muqdisho ayaa soo bandhigtay qalab casri ah, kaasi oo waxbadan ka tari doona socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee xamuulka sida ee ku soo xirta Dekadda magaalada Muqdisho.
Munaasabadan kooban oo lagu soo bandhigayay qalabkan cusub ayaa wax goob joog ka ahaa Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiir ku- xigeenka Wasaaraddaasi iyo Maamulka shirkadda Albeyrak.
Maareeyaha shirkada Albeyrak Sami Erol ayaa sheegay in qalabkaan uu wax badan ka tari doono howlaha shaqo ee ka socda Dekadda, islamarkaan maraakiibta waaweyn ee sida Xamuulka ay ku soo xiran kaaran.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Awey Jaamac ayaa kaga mahad celisay Maamulka Shirkada Albeyrak horumarinta ay ka wadaan dekadda Muqdisho,islamarkaan qalabkaan lagu horumarinyo howlaha Dekada.
Qalabkaan Casriga ah ayaa laga keenay magaalad Dubai waxaan ka howlgeli doona dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.