20 Xildhibaan oo kasoo horjeestay Axmed madoobe

axmedmadoobe

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegayaan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Jubbaland inay kasoo horjeesteen xeerkii Axmed madoobe doonayey inuu xukunka ku korarsada kaas oo laga keenay Dalka Kenya.

Xildhibanadaan gaaraya 20ka ayaa sheegay inaysan ansixin aysana aqbalayn xeerkii Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha ee oranaayey Musharaxii larabo waa laga saaraya musharaxnimada xildhibaankii ka aragti duwanaada Axmed Madoobe waxuu waayayaa Xubinimada Barlamaanka Jubbaland.

Kacdoonkaan Xildhibaanada jubbaland ay uga soo horjeedaan Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Imaanaya xili bananbaxyo lagu diidan yahay Madaxda Sarre ee Jubbaland ay ka dhacayaan degmooyinka Jubbaland intooda badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.