Daawo:Madaxweynaha somaliya ayaa ka qeyb galay Janaasadda Saraakiishii Kugeeriyootay Qaraxii Shalay Ka dhacay Shabeelada Hoose

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaazada ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Marxuum Jeneraal Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Marxuum Jeneraal, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku shahiiday qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Madaxtooyada, ayaa waxaa kasoo qayb galay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.