Daawo:Faarax Macalin ooqabsaday Baraha Bulshada ee Dalka Kenya

farax

Waxaa baraha bulshada ee dalka Kenya qabsaday muuqaal uu soo duubay Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macallin oo sannadihii 2007-da ilaa iyo 2013-ka ahaa guddoomiye ku xigeenkii barlamaanka Kenya.
Muuqaalkan oo uu horudhac uga dhigay barnaamij uu sheegay in uu daadihin doono, lagan a baahin doono telefishenka Ebru ee dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in uu uga golleeyahay sidii loo falanqeyn lahaa arrimaha ka taagan dalka Kenya oo ay kamid tahay hay’adda sharci dejinta.
Faarax ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu ku marti qaadi doono xeel dheerayaasha qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin siyaasiyiinta iyo dadka kale, waxaana uu intaa raaciyay in barnaamijka uu soo geli doono toddobada fiidnimo ee maalinta talaadada, wuxuuna socon doonaa saacad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.