Daawo:Axmed madoobe oo noqday Ardaydii Gabre kan ugu Firfircoon

jimacale

MACALIN KORNEYL GABRE ARDAYDIISII WUXUU SIIYEY CASHARO CAJIIB AH,HADDABA IN KASTA OO ARDAYDU LAHAYD KABIIR,AXMED MAXAMED ISLAAN(AXMED MADOOBE) NOQDAY SHAQSIGA UGU FIRFIRCOON .
Aan idiin ifiyo su,aal aad isweydiin kartaan marka aad ciwaanka akhrisaan,macalin marka uu casharada bixinaayo ardaydu marna isku maskax maaha,garashada isda maskaxdoodu u shaqeyso waa kala sareysaa,qaar baan waxba fahmin oo loogu yeeraa damiino,qaar baan durba wax fahmin lakiin dadaal sameeya oo intii casharku socday ka baxsaday ardayda firfircoon dib wax
u weydiiya oo kaba wixii ka maqnaa,qaarna maskax sare Ebbe siiyey oo markiiba qabta oo ku dhega sharaxaada macalinka..

Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)maskax firfircoon baa Alle siiyey oo casharadii Macalin Korneyl Gabre intii uu joogay buu dabaqay wuxuu dhistay kalitalisnimo aan cidna ka daba hadli Karin,bal eega tastuurka asaga kaliya buu awood siinayaa oo,xildhibaanada markii uu rabo baa la xiri karaa ama la cayrin karaa asaga ayaana keensaday,wasiiradu waa la mid iyo ku xigeenadiisa oo
asagu magacaabay oo aan cidina soo dooran,taas o u suurogelisay in uu sharciyeysto intii Macalin Korneyl Gabre iyo Kabiirku shaqeynayeen,waana tan u suurtagelisay in cid kasta oo tiraahda sidaas sax maaha uu xarag,dil iyo masaafurin joogtaa uu ku sameeyo Reer Jubalaand cid ka hadli kartaana aysan jirin,waana sida saxa ahayd ee casharada uu ku bixin jirey Macalin Korneyl
Gabre,Kabiirkuna uga hooseeyey waayo ujeedada baa ahayd in maamuladu ahaadaan sida Kismaanyo manta ka jirta,qarankana laga feylo gooyo oo uusan marna dhaqaaqin,cid ka hadli kartaana aysan jirin sida xaalka Jubalaand manta yahay.

Haddaba akhristayaal shirkii Kismaanyo oo Axmed madoobe martigeliyey,markii ay iskugu tageen madaxda maamulada gobolada dalka ,waxaa u soo baxday in casharadii uu bixiyey Macalin Korneyl Gabre ninka kaliya ee buuxiyey uu yahay Axmed Madoobe,qarankuna uu socdo oo horumar badan sameeyey gudaha iyo dibadaba oo howshii macalin Korneyl Gabre ku ogaa ay ku fashilmeen,markii ay caddaatay in Axmed Madoobe mooyaane aysan si fiican u fahmin casharadii Macalin Korneyl Gabre,sidaas awgeed Axmed Madoobe baa kucelin u sameeyey,aad u canaantay in dawladii yey dhaqaaqin lagu ogaa ka fara baxsatay,wuxuuna hogatusaaleeyey in doorashooyin ku soo wada dhawaadeen isla markaasna ayyan soo noqoneyn mar haddii ay khaldeen casharadii macalin Korneyl Gabre iyo sida wax uga jiraan Kismaanyo ,sidaas awgeed waxaa la qaatay go,aan laba qodob ka koobnaa mid qorsoodi buu ahaa midna waa shaaciyeen;-

1-In aan lala shaqayn dawlada ee xiriirka loo jaro,siyan shaqadu si xawliya ugu socon ee loo curyaamiyo.
2-In ay maamulada ay xukumaan ka dhigaan qaabka Axmed Madoobe ka maareeyey Kismaanyo iyo guud ahaan Jubaland, Haddaba arintaas awaxay ahayd mid ay aad ugu riyaaqeen ,laakiin waxay ka
ilduufeen in waqtigii hawshaas laqaban lahaa aan la joogin oo ay ka habsameen awooda manta rag la leeyahay,haddaba waxaa dhacay;-
GALMUDUG;-Madaxweyne Xaaf Qaar buu kala duldhacay asaga oo aan ku xisaabtamin in ay jiraan gudoomiye baarlamaan oo la doortay,madaxweyne kuxigeen iyo xildhibaano iyo waliba tastuur ka duwan kan Axmed Madoobe ee

kaligiis awooda siiya,wuxuuna ka dhaxlay in barlamankii asaga doortay iyo gudoomiyihiisii oo wata madaxweyne kuxigeenkii ay saldhigtaan Cadaado asaga laftiisiina xilkii ka qaadaan,wuxuuna ka dhaxlay in uu dhuusamareeb dhex fariisto kooxdii Ahlusuno oo la rabay in Galmudug lagu soo daro asaga oo sida sharciga ah aan madaxweyne ahayn.

HIRSHABEELLE;-Madaxweyne Waare markii uu soo laabtay buu hareerihiisa eegay wuxuuna arkay in casharadii Macalin Korneyl Gabre ayan manta soconeyn ,wuxuuna qaatay go,aan sax ahaa ee ahaa in uu raaligelin bixiyo dawladanala heshiiyo asaga oo iska laalay go,aanadii Kismaanyo.

KOOFURGALBEED;-Shariif Xassan shaqo ayuu bilaabay bal in uu suurtagaliyo wixii Axmed Madoobe u iftiimiyey,waxaana ku xeernaa intii ku xeerneyd Xaaf,ruqso kala bedel iyo gudiyo magacaabid buu bilaabay,asaga oo doorashadiina soo hoos gashay,wuxuuna ka dhaxlay bam hal mar ku qarxay meel uu wax ka qabtana garan waayo,haddaba Shariifka oo xariifnimo lagu yiqiin
wuxuu ogaaday in casharkii Kismaanyo uu ahaa mid aan laga fiirsan,hawsha uu hadda qabtayna meel uu uga noqon karo iyo meel uu joogi karo midna hayn wuxuuna go,aansaday intii uu ceeb faraha la galilahaa in uu ku dhawaaqo iscasilaad,sideg deg ahna Baydhao uga baxo.

PUNTILAAND;-C/wali Gaas,seef buu galka kala baxay,saraakiil,wasiiro,gudoomiyayaal iyo duqmagaalooyin buu ruqso iyo xilkaqaadis ku sameeyey assaga oo 3/11/18 keligii magacabay gudiga doorshada,
hkilaafaadka iyo ansaxinta xildhibaanada oo uu ka dhigay,kuwo u ololeeya assaga,shaqaale ka hoos shaqeeya iyo kuwo ay qaraabo yihiin ,wuxuuna ka dhaxlay in kuxigeenkiisii ,gudoomiyihii baarlamaanka iyo lix iyo toban musharax ee la tartamaayey ay magacaabaan gudi kale kiisiina qaadhaceen ,haddaba waa yaabe yaa garanaaya wax la gudboon C/Wali Gaas,sida Xaaf ma haysto meel kale uu dabada gashado,sida Waarana manta uma banaana in uu dawlada la heshiiyo,ma laga yaabaa in uu xishoodo oo inta goori goortay aaqligiisu siiyo sida Shariif Xassan in uu iscasilo mise Dagaal sokeeye buu gelin doonaa Puntilaand? Jawaabata waxaa u daayey akhristayaasha.
Wabilaahi Towfiiq.
Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.