Axmed madoobe oo kismaayo kusoo dhaweeyay gudoomiyaha Aqalka Sare

aqalka sarre

Hogaamiyaha Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne ku xigeenka labaad gudoonka Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Bulshada magaalada ayaa qayb ka ahayd soo dhawaynta wafdigan, Axmed madooobe ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdigan ee qayb kamid ah dalkooda iyagoo waliba si gaar ah u matalaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada federaalka ah ee Soomaliya.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu kismaayo yimaado burburkii kadib waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu maanta yimaado Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.