Mareykanka oo safaaraddiisa Muqdisho 28 Sano kadib furanaya

farmajo

Dowlada Mareykanka ayaa sheegay in uu dib u furayo Safaaradiisii Soomaaliya kadib muddo 28 sano ah oo aysan Safaaraddu shaqayn Xaaladda Soomaaliya awgeed, sidaasna waxaa ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Dhacdadaan Taariikhiga ah waxay ka turjumeeysaa horumarka ay Soomaaliya sameeysay Sanadihii u dambeeyay iyo tilaabo kale oo horay loogu qaaday hagaajinta xiriirka tan iyo Markii Mareykanaku uu aqoonsadsaday Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya sanadkii 2013kii” ayey tiri haweeneey Afayeen u ah Wasaaradda arrimaha dibadda mareeykanka oo Heather Nauert lagu magacabo.

Mareykanku wuxuu xiray Safaaradiisii uu Muqdisho ku lahaa Bishii January Sanadkii 1991-kii markii xilka laga tuuray Madaxweeynihii Soomaaliya dalkuna uu burbur lugaha lagalay.

2015kii ayuu Mareykanku si toos ah usoo celiyay Xiriirkii Dublamaasiyadeed ee Soomaaliya uu lalahaa waxaana Howlgalkiisa dublamaasiyaddu uu ku shaqaynayay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan waxaa Soomaaliya u soo magacaabay Danjire Donald Yamamoto. Afayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Mareeykanka waxay sheegtay in Yamamoto iyo kooxda lashaqaysa ay wada shaqayn buuxda la yeelan doonaan Dowladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.