Daawo:Barlamaanka Soomaliya oo Ansixiyay Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda

mursal

kulanka guud ee Golaha Shacabka waxa uu ka koobnaa hal Ajende oo ah Akhrinta sedaxaad ee Hidise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka ama xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan,waxaana sidoo kale kulanka ku sugnaa Labada guddoomiye kuxigeen ee golaha Shacabka.

Ugu horeyn Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha gudiga Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada golaha u faah faahiyay xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda iyo meelaha wax ka bedelka ay ku sameeyeen.
Guddoomiyaha gudiga xeer hoosaadka ee golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in xeerkan ay kusoo dareen dhamaan talooyinkii iyo fikradihii ay horey xildhibaanada ugu Biiriyeen, wuxuuna golaha ka codsaday in cod la geliyo.
intaasi ka dib Xildibaanada Golaha Shacabka ayaa cod geliyay geliyay Xeerka Xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda ,waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan, waxaa diiday 1 xidlhibaan sidoo kale 2-Xildhibaan ayaa ka aamustay sida uu natiijada codeynta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.