Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maanta ka qeyb qaatay Mashruuca Isxilqaan

xeer ilaaliye

Shaqaalaha Xafiiska-Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa maanta kaqeyb qaatay Mashruuca Isxilqaan oo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhismaha Tiyaatarka ,Matxafka Qaranka iyo Maktabadda Qaranka waxaana Hoggaaminayey Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.
Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo la hadlay Shaqaalaha ayaa u mahad Celiyay ku xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka iyo dhammaan Shaqaalaha kala duwan.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa u mahad Celiyay howl wadeenada ka socday Xafiiska Raiis wasaaraha Xukuumada, wasaarada Shaqada iyo maareeyaha Guud Tiyaatarka Qaranka Dadaalkooda ku aadan fulinta Howlaha ka socda oo lagu dhisayo Xaruumaha Dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaadkii bishii Luuliyo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku xirnaan oo ay u istaagaan dib u dhiska dalka, waxa uuna ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo la doonayo in dib loogu dhiso goobaha danta guud, laguna hormariyo wadanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.