Nabadsugida Somaliya ayaa sheegtay inay qabteen xubin ka tirsan Shabaab

Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay xubin ka tirsanaa Ururka Argagixisada Al Shabaab, kadib hawlgal ay ka sameeyeen Muqdisho.

Qoraal la soo dhigay Bogga Twitterka Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay qabteen ruux Shabaab ka tirsan oo qaraxyo maleegaayay.

Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa maalmahan bilowday fulinta hawlgalo qarsoodi ah oo Ciidamada ay ka sameeyeen Muqdisho, kuwaasi oo lagu sheego xubno Shabaab ah in la soo qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.