Daawo:Xildhibaan Cabdi Shire iyo Masuuliyiin kale oo ka war bixinaaya Qarxii Shaamow

Seddaxdii December sanadkii 2009 waxey dadka Soomaaliyeed u aheyd maalin madoow oo waxaa hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 40 ruux kuwaas oo isugu jiray waalidiin,Arday, mas’uuliyiin, wariyeyaal iyo dad kale oo aad u badan.
Hotelka Shaamow waxaa ka socotay munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday ka qalinjabisay Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho kuwaas oo bartay culuunta kala duwan ee lagu dhigo Jamacadaasi.

Qaraxii ka dhacay Hotelka Shaamow waxa uu galaabtay dad badan oo ay kujireen Seddax wasiir oo mar qura goobta ku nafbaxay kuwaas oo kala ahaa Qamar Aadan Cali wasiirkii caafimaadka, Maxamed C/llaahi Waayeel wasiirkii waxbarashada iyo prof Ibraahim Xasan Cadoow iyadoo ay ku geeriyoodeen dhaqaatiir uu ka mid ahaa Prof Maxamed Aadan Warsame “Shahiid”.
Sidoo kale qaraxa waxaa ku geeriyooday arday waalidiin iyo wariyeyaal ku sugnaa goobta munaasabada ay ka dhaceysay, qaraxaasi sababay dhimashada dad badan waxaa ku faanay maleeshiyada kooxda Al-shabaab.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasabad Lagu xasuusanayo Qaraxaas Hotel shaamow waxaana munasabadaa ka qayb galay Xildhibaanada labada Gole ee shacabka, waxaana ka hadlay Dhibaatada qaraxaas Gaystay Shiiq Cali Wajiis, Xildhibaandan Cabdi shire, Dr Ismaaciil Dufle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.