Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Shirka Banbax Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo muddo seddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Shirka oo ay ka qaybgaleen Agaasimayaasha, La-taliyayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa intuu socday waxaa lagu diyaarinayay qorshaha 2019ka ee Wasaaradda iyo tababar ay qaateen dhamaan shaqaalaha Wasaaradda.
Ugu horeeyn Agaasimaha Guud ayaa Wasiir Cabdi Xoosh iyo Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xusen Cilmi uga warbixiyay tabarada ay qaateen shaqaalaha Wasaaradda iyo qorshaha Wasaaradda ee 2019ka.
Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi iyo La-
taliyayaasha kala ah Zahra Cali Xasan iyo Cali Ismaaciil Cabdi Giir ayaa si wadajir ah uga hadleen muhiimada shirkan iyagoo soo jeediyay talooyin ku saabsan sidii loo fulin lahaa qorshaha Wasaaradda ee 2019ka.
Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay sida aad u soo bandhigteen waxqabadka waaxyaha Wasaaradda ee sanadkan dhamaanaya iyo qorshaha aad diyaariseen sanadka 2019ka, waxaad ogtihiin duruufihii adkaa ee 20 bil ka hor aan ku bilownay hawsha. Waxaad muujiseen hawlkarnimo iyo dal jaceeyl oo aad aaminteen in danaheena gaarka ah ay ka weyntahay danta dalka” ayuu yiri Wasiirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.