JigJiga:Qalbi dhagax oo aan ka qayb Galin Munaasabadii Soo dhawaynta Madaxda ONLF

qalbidhagax

Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka dhacaday Munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo dhawaan heshiis nabadeed la saxiixatay dowladda Itoobiya.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka qayb galay dad aad u tiro badan kuwaas oo wajiyadooda ay ka muuqatay Farxad iyo Rayn rayn , waxaa kaloo ka qayb galay Munaasabadaan Madaxwaynaha Maamulka soomalida Mustaf Cagjar iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan deegaanka Soomalida iyo wafti kayimid dalka Kenya.

Munaasabadaan wayn waxaana ka qayb Cabdikariim Muuse Qalbidhagax oo kamid ahaa Ururuka ONLF lama yaqaano sababaha Keenay inuu ka maqnaado Munaasabad aad u wayn oo shac iyo dowladba ka qayb qaateen, lamana garanaayo inuu uga maqan yahay Khilaaf awgii iyo inuu rabo in kaligiis lasoo dhaweeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.