Dardaaran ah oo quseeyo Dhowrista Sharafta Askariga W/Q Saciid Xaraf.

Inagoo kaashanayna dareenka caadiga ah ee maskaxda fayow waxaan aamini karnaa in Askarigu yahay laf-dhabarka adeegayasha qaranka meesha ugu masuuliyad culus .
Sabab kalana ma ahan ee askarigu waa waardiyaha iyo difaacaha shacabka , waa suurta galiyaha tallaabo kasta oo guul u ah dowladda waana mid si gaar ah u fuliyo caddaalada iyo sinnaanta bulshada kuwaas oo isugu jiro shacab kala aragti duwan.

Marka ay sidaasi tahay sharci ahaan askariga ilaaliyaha dadweynaha ah haldhan uma janjeersan karo haddii sifo ahaan uu qaato Magaca ” Askari ” gashadana Shaati ciidan .

Sida caadiga ah shaqaalaha dawladda Agaasime iyo wixii ka hooseeyo waxaa guud ahaan aysan shaqo ku lahayn wax ku saabsan farriin mucaarad iyo muxaafadnimo oo ku xiran arrimo siyaasadeed .

Askarigu waa kasii shisheeyaa arrinkaas , waayo Askarigu waa difaaca dalka, dadka, diinta, iyo ku dhaqanka sharciga waddanka, sidaasi darteed laga bilaabo xafiis dawlad laguna geeyo shacab waxa uu ku yeeshay qaddarin iyo sharaf gaar ah.

Waxaa cajiib ah qofkasta oo wanaagga iyo sharafta askariga leeyahayna aqoon u leh layaab ku ah marka uu arko askariga qaran ee jooga duurka fog ee jamaame , oo iska caraysan ee qoraalka siyaasadaysan cayda iyo reddinta go’aamada Xafiisyada dalka ugu sarreeya ku mashquulsan – Ma waxaan u aragnaa askari nafta , maalka iyo masaaliixda bulshada u adeego mise askari baal maray sharafkii iyo karaamadii lagu yaqaanay? Mise waa shacab qori haysto oo aan sharci qaban?

Sidee ayuu dad kala aragti iyo siyaasad duwan oo uu difaac u yahay dhamaantood ugu dhaxayn karaa haddiiba asagu haldhinac siyaasadood isku dhiibay ?

Taliyaasha ama saraakiisha xukuma oo ayagu aan ilaalineyn anshaxa askariga tababarna aan kusiin arrimahaas, waxay dhinacooda noqonayaan la xukun mataqanaayeey oo dalladda ama Hay’adda haysta ciidanka qaranka waa ineey waxyaabahaas kaga digto askariga siyaasadna uusan lugaha gashan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.