Sawiro:Dowlada iyo Soomaalida Ohio oo yeeshay kulan waxbaddan looga hadlay

Kulankan oo ay soo abaabuleen dowlada Hoose Ujeedkiisa ayaa ahaa sidii loo abuurilahaa is dhexgal, iyo in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay si dhab ah ula xariiri karaan hay’adaha dowlada, iyo in xal loo helo cabashooyinka jaaliyadda oo ay ka mid tahay sidii loo dabagali lahaa sababta keentay dilalka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo cida ku lugta leh, in lala shaqeeyo dhalinyarada, arimaha waxbarashada, Guryaha, dhiirogalinta Ganacsiga, la dagaalnaka daroogada iyo qodobo aad u baddan.

Xubnaha la kulmay Soomaalida oo ah xubnihii ku soo baxay doorashadii u danbaysay waxa ay ka jawaabayeen sidii ay Soomaalidu codkooda u siiyeen iyo in ay yihiin dad hal abuur iyo koriimo dhaqaale oo muuqda ku leh gobolka.

Waxa kulankan qeyb ka ahaa wadahadalo iyo su’aalo gooni gooni ah oo la weydiinayay masuuliyiintii ka socday dowlada iyada oo dhanka Soomaalida Madaxdii u hadashay bogaadiyeen kulankan isla markaana ay sheegeen in Soomaalida Ohio dagta aysan ahayn kuwo cayr qaata balse ay yihiin kuwo bixiya canshuurta waliba Tiro aad u sareysa.

Madaxda ayaa si gooniya ula shiray dhalinyarada waxayna is barasho kadib ku dhiirogaliyeen in ay yihiin mustaqbalkii gobolka sidaa darteedna ay ka qeyb qaataan Amniga, dhismaha iyo isdhexgalka, kana faaiideystaan fursadaha yaala gobolka oo qeyb ay tahay in ay ku soo biiraan siyaasada iyo xaafiisyada dowlada oo ay iminka ka shaqeeyaan shaqsiyaad kooban dhanka Soomaalida.

Hay’ado, Ururo, iyo Ganacsato ayaa fursad u helay in ay madaxda kala hadlaan caqabadaha ku gadaman howlahooda iyaga oo helay balan qaadyo qurux baddan.

Masuuliyiinta ka socda dowlada Hoose iyo mida gobolkaba waxa ay u badnaayeen dhalinyaro ku soo baxay doorashooyinkii u danbeeyay iyaga oo xiligii ay ordayeen codkooda weydiistay Soomaalida kuna soo baxay.

Kulankan oo xiiso gooniya u lahaa Soomaalida iyo dowlada Hoose waxa uu abuurayaa wada shaqeyn dhow oo ay labada dhinac yeeshaan.

Deeqo Shire (SONNA)
usa

usa

usa

usa

usa

usa

usa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.