Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda Gobalka Hiiraan.

Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo militariga ay ka socdaan Deegaanada hoostaga degmadaasi.

Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa saakay lagu arkayaa wadooyinka soo gala Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Dhaq-dhaqaaqa ay wadaan ciidamada ayaa ka dambeeyay kadib markii degmada Maxaas uu tagay Amaanduulaha ciidamada difaaca Soomaaliya.

Abaabul dagaal ayaa laga dareemayaa degmada Maxaas, iyadoona ciidamada xoogga ay qorsheynayaan in Al-Shabaab ay ka saaraan deegaanada hoostaga degmada Maxaas oo dhaq-dhaqaaqyada ay ka socdaan.

Amaanduulaha ciidamada Militariga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay socdaal ku marayay deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.