Daawo:Shirkado Qandaraas ka haysta AMISOM iyo Kawaanlayaan iyo Kooxa Kale oo ku tala gal u Wasaqeeya Muqdisho

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka ayaa wajahaysa wasqayn xad dhaaf ah oo ay mu kacayaan shirkado ku shaqaysta Hagaajinta Nadaafadda oo qaarkood ay AMISOM Qandaraas ka qaateen, Kawaanlayaan iyo kooxo kale oo Iskood isu abaabulay oo gaadiidka qashanka wada lacag uga qaata goobaha ay wasaqaynayaan.

Deegaannada sida joogta ah loo wasaqeeyo waxaa kamid ah Xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda oo lagu daadiyo qashan laga keeno gudaha Xalane iyo magaalada inteeda kale kaas oo ay geeyaan shirkado Qandaraaslayaal la shaqaysta AMISOM iyo shirkado kale.

Wasaqaynta magaalada ayaa loo adeegsadaa Booyado iyo Baabuur kale oo waawayn oo qashan kasoo daabula gudaha Xalane kuna shuba dhinacyada waddada Jazeera, gudaha Badd iyo agagaarka Saldhigga Ciidanka ciidanka lagu tababaro ee Turk-som.

Taliska Saldhigga Booliiska wadajir ayaa si ay u baaraan xiray laba wade iyo labo caawiye oo waday aba booyadood oo ay leedahay Shirkadda Sahan ayaa kamid ah shirkadaha qandaraaska ka haysta AMISOM, kuwaas oo gacanta lagu dhigay iyaga oo ku guda jira ficillada wadaqaynta caasimadda

Haraadiga iyo qashanka Kawaan Xoolaha lagu qalo ee ku yaalla agagaarka xeebta Jazeero ayaa sidoo kale joogt loogu daadiyaa deegaanka Jazeera.

Xeebta Gubadlay ee degmada Kaaraan ayaa kamid ah goobaha sida joogtada ah loo wasaqeeyo, iyada oo qashanka gaadiidku ay ku rogaan oo xad dhaaf ah uu dhibaato ba’an ku hayo xeebta liido ee ay shacabka Soomaaliyeed u dalxiis tagaan.

Waxaa kale oo jira Kooxo ka faa’iidaysta wasqaynta caasimadda oo gaadiika qashanka keenaya lacag uga qaata wasaqaynta deegaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.