Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa dalka kusoo laabtay

Mursal

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Qaar kamida Xildhibaanada Somaliya ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo saakay xili hore tagay.

Gudoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay qeybta soo dhaweynta garoonka ayaa sheegay in arimaha jira Xiligaan uusan ugu hadli doonin banaanka balse ay kaga hadli doonaan Guriga Baarlamanka uu leeyahay.

“Waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina Xildhibaanada Sharafta leh, waan idin kaga mahad celinayaa sida walaaltinimada ah ee aad ii soo dhaweyseen, wixii shaqo ah guri ayaan leenahay halkaasi ayaan uga hadleynaa, halkaan wax shaqo ah ugama hadleyno waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina.” Ayuu yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.