Daawo:Shir ku saabsan xeer nidaamiyaasha isgaarsiinta Qaranka oo maanta lagu qabtay Muqdisho

wasiir

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, iyadoo munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa isgaarsiinta.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.