Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party

mahdi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo sugan Dalka Turkiga ayaa halkaas kulan kula qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga AK Party Mudane Cevdet Yilmaz iyo Afhayeenka Xisbiga Yasin Akday.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo socdaal shaqo ku joogo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulanka ay la qaateen madaxda Xisbiga AK Party waxa ay kaga hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo nidaamka xisbiyada badan oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo dalka.
“Waxaan la kulmay Guddoomiye ku xigeenka iyo afhayeenka Xisbiga AK Party ee Turkiga Mudane Cevdet Yilmaz iyo Yasin Akday waxaanu ka sheekaysanay nidaamka Xisbiyada badan iyo doorashooyinka”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.