Dhageyso:Wasiirka Amniga ee Koonfurgalbeed “Ciidanka la keenay Baydhabo waxa ay ka shaqeyn doonaan sugidda Amniga

ciidan

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada la geeyay Baydhabo uu dalbaday Maamulka Konfur Galbeed.

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.
Mudane Xasan Xuseen ayaa xusay in argagixisada Al-Shabaab ay doonayaan inay qal qalgeliyaan doorashada, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada la keenay magaalada ay gacan weyn ka geysan doonaan sugidda amniga magaalada Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.