Ciidamada Amniga ayaa gacan ku dhigay Ninkii ka dambeeyey qaraxii Hotel Saxafi

qarax

Howlgal qorsheysan oo ciidanka amniga Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay ninkii ka dambeeyay weerarkii dhowaan lagu qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay hey’ada NISA.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Twitter hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen maskaxdii ka dambeysay weeraradii 9 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

NISA ma sheegin magaca ninka la qabtay iyo meesha laga soo qabtay, waxayse sheegeen in ay sharciga hor geyn doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.