Akhriso:Axmed Madoobe oo nuxurkii ka dhumay Jubaland nin Beeshiisa ah umagacaabay Hanti dhowraha guud

axmedmadoobe

Hogaamiyaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Hanti dhowraha guud ee Jubbaland u magacaabay Cabdicasiis Sheekh Dayib oo ay isku Beel yihiin, Jubaland ayaa ah Maamul Gaoboleed ka duwan kuwa kale waxaana daga Beelaha Soomaliyeed oo dhan.

Axmed madoobe intuu iska dhagatiray dalbashada shacabka Jubaland iyo kan Beesha uu ka dhashay ayuu Jifada uu ka dhashay waxuu kasimay Madaxda Hay’adaha Jubbaland dhamaantood taas oo keentay nacay badan oo ay shacabka Jubbaland u qaadeen Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ee 5 Kilomatir dhaafiwaayey 6 Sanoo Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku fashilmay Hogaanka jubbaland, Maamul xumida hogaanka Axmed Madoobe waxay keentay amaan darro, horumar la’aan iyo in mugdi iyo shaki kala galay bulshada dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo Axmed Madoobe, taasna waxay keentay in Magaalada Kismaayo ay go’doon gashay oo ay Alshabab Dhinac kasta ka fadhiyo waxaana adkaaday Noloshii iyo dhaq dhaqaaqa Bulshada.

jubaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.