Akhriso:Guddigii Maaliyadda iyo Miisaaniyada ee Golaha Shacabka oo la kala diray

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa kala diray Guddiga Miisaaniyada, Maalliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golaha ayadoo Gudoonka uu soo dhisi doono Guddi cusub.
Qoraal uu soo saaray Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa Guddigaas lagu kala diray,waxaana la sheegay in guddoonka uu dhawaan soo Magacaabi doono Guddi Cusub,ayna dooran doonaan Guddoomiye.

Xubno kamaida Guddiga Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golaha ee la kala diray ayaa u badnaa Xildhibaanada mucaaradka ku ah Xukuumadda Soomaaliya,waxana Guddiga ay dhawaan eedeyn la xiriirta musuq maasuq u jeediyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir taas oo noqotay mid aan waxba ka jirin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.