Qormo qofkii wadani ah taaban doonto fadlan akhri

saabir

Dowlad kasta oo timaado waxaan u ahay garab iyo taageero waayo garan maayo sabab aan ku mucaarado anigoo og wixii la soo maray.

Waxaan ku dhashay Dowlad la’aan waxaana ku qaan gaaray dowlad la’aan intii aan caqliga yeeshay maalin kasta waxaan maqli jiray hebel waa la dilay oo Waxaa dilay reer hebel aniga Adeeraday Abtiyaashay Walaalahay iyo dhamaan ehel dad aan ahayn waxaa gacantooda ku dilay Soomaali markasta oo aan maqlo reer hebel iyo reer hebel ayaa isbaabi’iyay waxaan su’aal waydiin jiray dadka iga waawayn waxaan dhihi jiray reer hebel Soomaali maahan miyaa? Jawaabaha la isiin jiray Waan xasuustaa oo Waxaa kamid ahayd waa Soomaali ee maxaad ii waydiisay su’aashaas? Inyar oo aamus ah kadib waxaan dhihi jiray maalin kasta waxaan maqlaa reer hebel ayaa dilay adeerka walalkaa abtigaa iyo dad ehelka ah sidoo kale reer hebelkeenu intoo kale ayuu gaystaa ee Soomaali haday yihiin maxaa la isu laynaa?

Dhibaatadii aan ka dhaxlay su’aalahaas waxaa kamid ahaa assagaa ayaa Adeeradaa laayey Abtigaa dilay Walalahaana dilay waana Soomaali kuwa dilay, cuqdad ayaa igashay mana garanayo cidda aan cuqdada u hayo waxaan ku taxnaa raadiye uu lahaan jiray aabahay maalin kasta iyo xilli walba waxaan maqlaa dowlad hebel waxay ku guulaysatay inay samaysato qadadka tareennada, satellite, diyaaradaha Casriga ah, Maraakiibta baddaha quuso, gantaalada qaaradaha isaga kala goosho, iyo labo waddan ayaa isu hanjabtay waxaana midba midka kale ku eedeynayaa inay ku xadgudbayso.

Waxaan in badan isku dayi jiray inaan ogaado dowladihii waddankeena Soo maray dadkii joogay nolosha iyo nabada ay haysteen waxaan soo ogaaday inaan ahaan jirnay dowlad quwad ciidan iyo mid dhaqaalo leh oo xataa caawin jirnay qaar kamid ah carabta iyo dowladaha africa kuwooda maanta ugu dhaqaalaha iyo ciidanka Xooggan waxaan sidoo kale ogaaday inay dowladeeni jirtay aan iska burburinay oo xataa aanan dowlad kale ku baddelan aad ayaan u qiirooday waxaan isdhihi jiray Allow maxaa Soomaali iga dhigay iyo arimo kale anigoo la yaabanaa qabiil qabiilka la isku dhameeyey iyo waxaa aan isku dilayno daciifnimadeeda.

Marka laga tago welwelka aan ka qabay mustaqbalka Soomaaliya ayaa hadana Noloshayda markii iigu horeysay ee aan naxdin wayn dareemo ay noqotay sidaan

“dagaal xooggan ayaa ka socdo Muqdisho maalintii Sadexaad waxaa dhimatay intaas oo qof oo Soomaali ah Dagaalka ayaa u dhaxeeyo Maxkamadaha Islaamiga iyo Suufi oo hal qabiil u badan meydadka oo si loo kala aaso lagaran waayey iyo wax lamid ah waliba maalintaa Allaha u naxariiste Wariye Axmed Xasan Cowke ayaa si qiiraysan u tabinayay waana markii iigu horaysay ee nolosha dad aanan aqoon si Soomaalinimo ah aan ugu ooyo waxkastana waxbaa kaaga daran ee waa halkii Fidnadu nooga timid ee Urur diimeedku ka farcameen.

Iyadoo xaalku sidaa yahay ayaan maqlay dowlada KMG Soomaaliya oo xiligaasi uu Madaxwayne ka ahaa AU Abdullahi Yuusuf Ahmed inkastoo dad badan oo Soomaaliyeed Noloshooda ay galaafatay Dowladaasi hadana waxaan isku maa weelin jiray inay tahay halkii aan uga bixi lahayn dhibka aan ku jaahwareeray ee Soomaali ku dhacay farxad ayaana dareemi jiray markaan Idaacada Bbc ka maqlo Dowlada Soomaaliya taegeero maanka ah ayaan u qaaday anigoo og inaysan dowlad fiican ahayn balse aaminsan inay mid kale oo fiican imaan doonto ama tan ay xooggaysan doonto, waqtiga ayaa ka dhamaday Dowladaasi tu kale ayaana la doortay Waxaa madaxweyne ka noqday Sh/ Shariif Sh/ Ahmed Inkastoo ay ahayd KMG hadana waxay ii ahayd farxad taageero ayaana u hayay aad ayaan u necbaa cidii wax ka sheegto anigoo isku qancin jiray inaan dal dowlad leh nahay qabiilka is dhameeyeyna aan ilaawi doonno.

Dowladii Sh/ Shariif xilligeedi ayaa dhaamaday markii ugu horeysay intaan garaadsaday waxaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacday Doorasho Madaxweyne 2013kii inkastoo doorashadaasi aysan ahayn qof iyo hal cod hadana awoodii aan lahayn ayay doorasho lagu kalsoonyahay Madaxweyne loo doortay Xasan Sh/ Maxamuud waxay ii ahayd maalin gaar ah waxaan aaminay inaan ka baxnay dhibkii dalku soo maray aad ayaan u taageeray anigoo niyada ku haysto talaabo kasta oo dowladnimo inay nagayn doonto meel fiican iyadoo KMG aan la yaabanaa uu halkaasi ku haray markasta waxaan isku dayi jiray inaan taageero u muujiyo inta aan karro.

Waqtigii ayaa sidoo kale ka dhamaaday Dowladaasi waxaana markii ugu horeysay Dalka ka dhashay dowlad ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ku farxeen taasoo Madaxwayne loogu doortay Farmaajo lama soo koobi karin dareenkayga farxaddeed iyo hamiga aan dalkayga u qaaday aad ayaan u qiirooday anidoo cadow ka dhigtay cid kasta oo wax ka sheegto Dowlada, taageero Xooggan ayaan u ahay dowladeena waxaana aaminsanahay inay na gaarsiin doonto meel ka fiican halka aan hadda joogno sidii kuwii hore ay tan noogu keeneen.

Mustaqbal fiican ayaa ii muuqdo dal hormaray iyo dad is jecel ayaa ii muuqdo Waxaa ii muuqdo rajo dhow oo leh nolol iyo nabad waarto waxaan ahaan doonaa mid aan marnaba ku caasin dowlad kasta oo timaado anigoo mid kasta taageeri doono waliba aan naftayda u huri doono si riyada ii muuqato noogu rumowdo………

Sidaasi darteed dowlad kasta oo timaado waxaan u ahay garab iyo taageero waayo garan maayo wax aan ku mucaarado anigoo og wixii aan soo marnay…..

Taageer Dowlada fadlan
Dhis dalkaaga
Dadkaaga ku wacyi gali nabada
Isbar isxilqaan qaran
Horseed u noqo nabad iyo hormar
Dalkaaga cidna magan ha uga noqon hormarkiisa

Qore Saabir Abdulkadir Warsame

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.