Muuqaal:Indha Koray oo Soo Gaaray Doolow iyo Cabdiraxmaan Shamiito oo ku dhawaaqay dagaal ka dhana Shabab

janan

Wasiirka Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur “Indhakorey” Ayaa lagu soo dhaweeyey Garoonka Diyaradaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, Wasiirka aminga Jubbaland oo kasoo kicitimay Magaalada Kismaayo ayaa Waxaa Safarkiisa Ku Waheliya Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Cabdiraxman Shamiito” Iyomasuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo lahadlay saxaafada ayaa sheegay inay qaadayaan dhawaan weerar looga sifaynayo kooxda Alshabab Deeganada Kudhow Degmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo Doolow.

Imaasha Wasiirka Amniga Jubaland Ayaa Ku Soo Aadayso Xili kooxda argagixisada Shabab ay Gadiidkii imaan jiray Degmada Baladxaawo ku amreen inaysan Magaalada Baladxaawo Imaan waxayna Degmada Baladxaawo ku gudaheeda ku dileen Alaha unaxariistee Nabadon Dhaqane qaasim oo kamida Odayaasha Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.