Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu laayay Gobalka Hiiraan

shabab

Wararka naga soo gaaray Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ilaa iyo Lix ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ay ciidanka xoogga dalka ay ku dileen meel u dhow degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dilka maleeshiyaadkaan ayaa yimid ka dib dagaal ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.
Sargaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa SONNA u xaqiijiyay in Maydadka Argagixisada la laayay iyo hubkii laga furtay haatan ay gaarsiiyeen magaalada Baladweyne halkaas oo ay doonayaan inay Warbaahinta ugu soo bandhigaan.
Sidoo kale wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobalka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka baxsadeen deegaanka uu dagaalka ka dhacay haatan ay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa aad u laba jibaaray howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab, iyadoo khasaaro badan lagu gaarsiiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee dhacay.

Xigasho warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.