Maxay tahay olalaha ardaydii korneyl Gabre iyo Kabiirkoodu ay ku hayaan Wasiir Bayle iyo wasaaradiisa?!

Gabre

Bre(KOR WAAYEEL WAA WADA INDHO).Bal dib u milicsada maanlintii 08dii Feebaraayo ee kal hore dharbaaxada lama filaanka ah ay ku dhacday Kabiirkii ardaydii Korneyl Gabre,waxaad kale ee aad ayyadana xasuusataan ayyadana maalintii madaxtooyada laga cayriyey korneyl Gabre oo uu u guurey xagaas iyo Xalane,intaas loogama harine in uusan ka dhexe shaqayn Karin Soomaaliya asaga oo matalaaya Urur Goboleedka IGAD.
Haddaba intaas oo dhan waxay na dhaxalsiisay in aan helno dawlad dalka si daacad ah ugu shaqeysa aduunyaduna aamintay,arintaas oo raja la,aan ka dhigtay ardaydii Korneyl Gabre iyo kabiirkoodii.
Waxaan idin xasuusinayaa maalintii xildhibaanadii cusbaa ee dhalinyarada aqoonyahanadaa u badnaa ka jawaabeen rabitaankii shacabka ee ahayd in Gabre iyo ardaydiisu Meesha ka baxaan,riyadaasuna rumowday waxay u ahayd filanwaa shaxdii u degsanayd ku dhacaday,waxayna qorshayteen oo dad badani xogogaal u ahaa in aan dawladaani lixbilood ka badan shaqayn,waxaana la wada soconay in ayyada oo dawladaan dhawr bilood shaqayneyn ay abaabul ka bilaabeen Neyroobi ay mooshin ku diyaariyaan waana kii fashil ku dhamaaday oo ay fashiliyeen xildhibaanada wadaniyada ku shaqeeya ee u tura mar kasta dalkooda iyo dadkooda.marlabaad bay Neyroobi mooshin ku abaabuleen asna waa dhicisoobay,waana tii dhalisay in dawlada Keenya oo dhaqankooda la yaaban in ay ka mabnuucdo in ay shir lagu mucaaradaayo Dawlada Soomaaliya ayyan dalkooda la imaan Karin mar danbe(SIR MA QABE SAAB BAA BIYO U CELIYA).Intii ka danbeysay intii ay dalka gudihiisa mooshin socon waayey ay abaabuleen goobjoog baa loo wada ahaa,intaas kaliya maaha ee is qabadka maamulada gobolada iyo dawlada dhexe waa hawlaha ay qabteen qayb ka mid ah.
Ugu danbayn markii wax badan oo ay isku dayeen u socon waayeen maadaama Wasiirka maaliyada Mudane Bayle uu yahay shaqsiga kaliya ee guulaha lagu faanaayo gudaha iyo dibadaba asagu yahay qofka qayb libaax ku leh la,aantiisa aan la heleen shaqaale iyo ciidan si joogtaa mushaar u qaata,iyo qaab xisaabeed adduunka oo dhan si daahfurnaana ula socdo taas oo dhalisay in la aamino oo laga saaro Soomaaliya liiska dawladaha fashilmay qarkana loo saran yahay in nala ka cafiyo Lix bilyan oo doolar,waxay go,aansadeen in ay arintaas ka hortagaan si taas ay ugaaraana waxay weerar qaawan oo aan meelna haysan ku qaadeen Wasiir Bayle iyo wasaarada maaliyada ee ah halka dawlada manta shaqaysa naftu uga jirto,Bayle oo ay ka taqalusaana waxay la mid tahay in dawladu noqoneyso neef ama qof la garacay oo xawlmariidka la gooyey(MAIN ARTERY OF THE NECK),waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan xildhibanada dhalinyrada ah ee aqoonyahanimo ,wadaniyad iyo daacadnimo intaba isku darsaday oo intaas oo hagardaamo iyo dhabarjabin qaranka Soomaaliyeed lala rabay naga badbaadiyey,sidaas awgeed waxaan inta wax qorta iyo kuwa wax akhriya ku boorinayaa in ay hambalyeeyaan golaheena shacabka oo aan is leeyahay haday afarta sano ardayda Korneyl Gabre iyo kabiirkooda dalkaan ka badbaadiyaan waxay ka tagidoonaan taariikh aan dug noqon donin ee lagu xasuusto,waxaadna ogaataan Soomaaliyey in Socdaalka kabiirka ardayda Korneyl Gabre hadda ku maraayo maamulada gobolada oo uu Kismaanyo ka bilaabay ay tahay in dabka shidan uu baansiin ku
shubo,laakiin aan kalsooni ku qabo in golayaasha qaranka ka badbaadin doonaan ,marka laga reebo inta tirada yare ee har iyo hoyaad diiday in ay qarankaan dumiyaan.Ugu danbayn qof kasta xilbaa saran, qarana dadkiisa ayaa difaacada (BBEN FAKATAY RUNI MA GAARTO) ,Qabiil iyo been la dhoodhoobay yey nagu beer dulucsan Korneyl Gabre ardaydiisa iyo Kabiirkooda Xishoodka aan aqoon.
Wabilaahi Towfiiq.
Cabdullaahi Jimcaale Faarah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.