Daawo:Ciidanka Soomaliya ayaa soo afjaray Weerar argagixisada ay ku qaadeen Guriga Cabdiweli Cali Cilmi Yare.

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab,Ciidamada Booliska iyo Nabad usgida Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar Argagixisada Al-Shabaab saaka ku qaadeen Guri ku yaala magaalada Gaalkacyo oo uu daganaa wadaad lagu magacaabo Cabdiweli Cali Cilmi Yare.
Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in Guriga lagu dhuftay ka dibna Naftood haligayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Guriga.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee sida gaarka u tababaran ayaa mid mid u toogtay dhammaan naftood haligayaasha Al-Shabaab ee doonayay inay shacab badan ku dilaan halkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.