20 qof oo kamid yahay Shiiq cabdiwali ayaa ku dhintay weerarkii Galkacyo Shabab kubqaaden

niikinayey

Ciidamada xoogga ayaa Waxaa ay soo gabagabeeyeen weerar qaraxyo ku bilaawday oo saakay lagu qaaday  Xarunta xerta Wadaadka lagu magacaabi jiray Cabduweli Cilmi Yare Niikinaaye oo ku taalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Waxaana weerarka ku dhintay wadaadka Sheekh Cabduweli Cilmi Yare iyo qaar ka mid ah ilaalada Xaruntaasi.

Sidoo kale Ciidamada xoogga iyo kuwa xoogga ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ahaa ragii weerarka ku soo qaaday xarunta xerta ee wadaadkii sheikh Cabdi Weli.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay gaarayaan ku dhawaad 4 ruux, islamarkaana sedex ka mid ah waa ay is qarxiyeen, halka midka kalana la qabtay.

Inta la xaqiijiyay 20 ruux oo uu ku jiro Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare ayaa lagu dilay weerarkii saakay ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee Gobalka Mudug.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.