Daawo:Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u jooga Soomaaliya,

bardheere

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u jooga Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen kordhinta taageerada Jaamacadda Carabta ee wax soo saarka beeraha Soomaaliya.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa warbaahinta u sheegay in ay danjiraha isku fahmeen in labada dhinac wada shaqeyn dhow wada yeesheen isla markaana wasaaraddu ka qeybgashay shirka bisha Decembar lagu wado in uu ka dhaco magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Kulanka labada dhinac ayaa ku soo idlaaday is afgarad waxaana la isla gartay in la dhaqan geliyo dhammaan qodobadii laga hadlay , wasiirka Beeraha Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaana ugu dambeyn Safiirka u hadiyadeeyay qaar kamida dalagyada wax soo saar ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.